António Guterres, xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo dhoweeyey kulankii Khamiistii ka dhacay Djibouti kaas oo dhex-maray wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti.
Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada-shaqeyn oo dhex mara dalalka Eritrea, Ethiopia, Somalia iyo Djibouti, arrintaas oo ay weyn u soo dhoweysay Qaramada Midoobey.
Afhayeenka António Guterres ayaa sheegay in heshiiska dhex maray 4ta wasiir, oo ah iskaashi iyo soo-celinta amniga iyo xasiloonida gobolka uu tallaabo fiican u yahay geeska Afrika iyo meelo ka fog.




From the comments