Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xil ka qaadis ku sameysay duqii degmada Buulo-burde iyadoo xilkaasi loo magacaabay mas’uul cusub.
Wasaaradda ayaa dalbatay in lala shaqeeyo duqa cusub ee loo soo magacaabay degmada Buulo-burde.
Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday duqii degmada Buulo Burde kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Rooble waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Fiidow Caale oo noqnaya duqa cusub ee Buulo-burde.




From the comments