Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland ayaa Goobjoog News wareysi uu siiyay kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca siyaasadda, isagoo ku dheeraaday khilaafyada iminka ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ee shanta ah.
Wuxuu sheegay in madaxda hadda joogta Madaxtooyada Soomaaliya aynaan daacad ka ahayn in wadanka horay looga dhaqaajiyo halka uu iminka joogo, oo laga saaro marxaladaha qalafsan oo ay horreeyaan caqabadaha amniga iyo siyaasadaha iska soo horjeeda.
“Wallaahay waxaa isleeyahay horta Ilaaheey waxaan ka baryayaa in umadda Soomaaliyeed wixii kheyr ah inuu tuso, in madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha waxaa la rabaa inay iska dhaadhiciyaan laba waxyaabood oo muhiim ah inay sameeyaan war waqtiga aad joogtaan waa wax iska yar midda labaadna waxaa weeye waxaa loo baahan yahay Soomaaliya wax walba kama qaban karaan arrin oo muhiim ah, wali waa cakiran tahay wali Shabaab baa heysta qeybo kamid ah ciidamadii AMISOM baa jooga marka waa inay qodobo sheegaan oo ay dhahaan intaan iyo intaan baa qabanaynaa oo dowlad goboleedyadana ay kala shaqeeyaan, waxaase muuqata in qolo kasta ay dhinac wax u wadato” ayuu yiri siyaasi Ciise Maxamuud Faarax.




From the comments