Waxaa goordhow soo dhammaaday kulan ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha ‘Somali State” ee deegaaka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .
Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo ku sugan Adis Ababa, kulanka waxaa xoogga lagu saarey isbadalka ka dhacay deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo midka gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay magaalada magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi uga qeyb-galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD.




From the comments