Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo mooshin laga soo gudbiyey guddoomiyaha baarlamaankaasi Cali Gacal Casir.
Waxa uu sheegay Xareed in mudane Casir ay mooshin kasoo gudbiyeen 89 xildhibaan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay 10 cisho gudahood inuu isaga difaaco eedeymaha loo soo jeediyey.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xilligan wixii ka dambeeya aanu guddoomiye Casir haysan awood uu ku shir guddoomiyo maadaama mooshin uu ka yaallo.




From the comments