Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland DR Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo daah furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada Puntland kaddib kulan ballaaran oo la isugu yimid magaalada Garoowe.
Madaxweyne Gaas ayaa ka sheekeeyay taariikhda dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dimuqraadiyad dhab ah ay ka jirtay Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 1960-kii illaa 1969-kii.
Wuxuu soo hadal qaaday dadaallo xukuumaddiisa ay u gashay in Puntland adeegyo horumarineed laga hirgaliyo balse ay tabarta u diiday isagoo xusay in hay’adihii adduunka arrintaa dhaqaale looga waayay.




From the comments