Guddiga aqalka sare u saaray xog ururinta tabashada uu qabo maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay la kulmeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Axmed Madoobe oo hadal kooban jeediyey ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay khilaafka jira, isaga oo tilmaamay in dowladda ay ka baxday ballamo badan.
Arrimaha amniga mar uu soo hadal qaaday ayuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay taageero siinta ciidamada dowlad goboleedyada, ayna waayeen hubkii ciidankooda ku dagaallami lahaa.




From the comments