Dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan Tuulada Baarey ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in aanay haysan dalag ay beertaan, islamarkaana Labadii sano ee lasoo dhaafay aanay waxbo tabcan, kadib markii dalagii a beerteen la tageen fatahaadda Wabiga Shabelle.
Macalin Suleymaan waxa uu ka mid yahay dadka ku dhaqan Tuulada Baarey, wuxuu u sheegay Goobjoog News, in aanay waxbo beeran, beerihii oo dhanna uu kasoo baxay coos.
Waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin gurmad in loo fidyo si loo caawiyo dadka beeraleyda ah ee Tuuladan ku dhaqan maadaama aanay aqoon meel ay u barakacaan.




From the comments