Gollaha Iskaashiga Oo U Jawaabay Waare
War qoraal ah oo ka soo baxay gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagaga hadlay warkii maanta saxaafadda uu Muqdisho ugu sheegay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Madaxda dowladaha kale ah Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa qoraalkani soo saaray.
Mawqifka GIDG ee Warmurtiyeedka ku taariikhaysan 19/09/2018 ee ka soo baxay Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle.
- Goluhu wuxuu si buuxda u garawsan yahay in ay Dawlad Goboleedka Hirshabeelle u madax-bannaan tahay ka tashiga tashiga iyo go’aan ka gaaridda masiirka dawladdeeda iyo kan umaddeeda.
- Goluhu wuxuu mar kale halkan ku caddaynayaa in is-afgaran-waaga ka dhexeeya GIDG iyo Dawladda Federaalka ahi uu yahay mid guud oo ku saabsan qaddiyado waaweyn oo ku tacalluqa
Amniga Guud ee Qaranka, Federaalaynta Dalka, Dhawridda, Dib-‐u-Eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliyeed, Khayraad/Awood Qaybsiga, Hannaanka Caddaaladda iyo kuwo kale oo la xiriira.
- Heshiiska” ay Hirshabeelle la gashay Dawladda Federaalka ahi aanu khusayn Golaha maadaama ay qaddiyadaha kor ku xusan ee uu muranku ka taagan yahay dhammaantood ay yihiin kuwo heer qaran ah oo ay lagama maarmaan tahay in xal wadareed wadahadal ku yimid lagu dhameeyo.
- Heshiiska Hirshabelle ay la gashey Dowlada dhexe waxba kama badali doonto Mowqifkii iyo go’aamadii Golaha ee ku qeexnaa Warmurtiyeedyadii Golaha ee soo baxay 8 iyo 14 bishan
Sabtember 2018 waxaana badali kara oo kali ah heshiis labada dhiac ka gaaraan arrimaha la isku
hayo.
- Goluhu wuxuu Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya mar kale ku boorrinayaa in ay si dhab ah oo waayeelnimo leh ugu soo jeestaan xallinta qaddiyadaha taagan.
- Ugu dambayn, Goluhu wuxuu u arkaa in wadaxaajood dhab ahi uu yahay dariiqa kaliya ee furan ee lagu gaari karo jawi siyaasadeed deggan oo suuraggeliya in lagu guuleysto sugidda amniga iyosoo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed.
——————– Dhammaad ————————–
Goobjoog News