Wakiilka sii baxaya ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo wareysi siiyey barnaamijka GMT ee BBC News, isla markaana ka hadlayey doorashada 2020-ka ayaa sheegay in haddiiba qof iyo cod ah ka dhici karto Somaliland ay sidoo kale ka dhici karto Soomaaliya.
Mar la weydiiyey inuu ku dhahay inay qasab tahay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya 2020-ka, waxaa uu yiri “Marka hore, aniga ma aha waxaa sidaasi dhahaya, Soomaalida ayaa sidaa leh” isaga oo intaa raaciyey “in ay tahay caqabad jirta, Somaliland dadka waa diiwaan-geshan yihiin, doorasho baarlamaan ayaa ka dhacday, madaxweyne ayey doorteen, marka haddii ay Somaliland ay sameysay, waa isla dadkii, Soomaaliyana waa sameyn kartaa, waa la sameyn kartaa.
Michael Keating oo sii hadlaya “Arrimaha in la hadlayo ay tahay, su’aasha waa haddii nidaamka doorasho uu ka soo bixi karo, natiijadii loo baahnaa, oo loo arko xaq ah, waa in aan bilowno in aan ka shaqeyno, wax kasta oo doorasho looga baahdlo, hadda inay dhaceyso ayaan aaminnay, waxaa u baahantahay guddi doorasho oo waxtar leh, cod-biixyeyaasha oo la diiwaan-geliyo, nidaam maxkamadeed, arrimahaas oo dhan waa in la shaqeysiiyo.




From the comments