Saraakiil ka socota hey’adda lacagta adduunka ee IMF, uuna hoggaaminayo Maxamed H. El-xage ayaa soo gabagabeeyey booqasho ay ku yimaadeen magaalada Nairobi September 15–20 iyaga oo u kuul-galay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay barnaamijka SMP.
“Dowladda Soomaaliya-iyada oo ay ku jirto xilli adag dhanka kaabayaasha dhaqaale iyo siyaasadda-waxaa ay ku socotaa sidii laga rabay arrimaha dejinta siyaado iyo hirgelinta dhaqaalaha” sidaasi waxaa uu war saxaafadeed ku yiri Maxamed H. El-xage .
Isaga oo intaasi raaciyey “Xukuumadda federaalka ah waxaa ay dhameysay 2 weji oo barnaamijka SMP , kaas oo midkiiba qaatay 12 bil, May 2016 iyo June 20 sanadkan”.




From the comments