Maxamed Sheekh oo dekadda Xamar u qaabilsan warbaahinta ayaa Goobjoog News u sheegay in dakhliga guud ee dekadda ka soo xarooda uu gaaryo $10 Mliyan.
Maxamed waxaa uu intaasi ku daray in markii hore inta aaney dekadda la wareegin Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak uu dakhliga guud ahaa $2.5 Milyan, iyada oo keentay qalab fiican, shaqada kor u qaaday.
Dakhliga $10 Milyan ee bishii ka xarooda dekadda, shirkadda Albayrak waxaa ay adeeg ahaan sameysaa $2.5 Milyan halka canshuurka ay dowladda Soomaaliya ka hesho dekadda gaareyso $7.5 Milyan.




From the comments