Waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee magaalada Baladweyne ayaa digniin ka soo saartay is qabqabsiga dhulalka ee magaaladaasi.
Agaasimaha waaxda dhul bixinta dowladda hoose ee B/weyne Xuseen Maxamed Fiidoow ayaa kaga hadlay arrintaasi oo muddooyinkii dambe magaalada ka taagneyd.
Wuxuu iska fogeeyay in xafiiskiisa uu ku lug leeyahay is qabqabsiyada dhuleed islamarkaana ay ku shaqeeyaan lacago dheeraad ah.




From the comments