Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahiyey lacag $80 Milyan ah oo Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya.
Bayle ayaa sheegay in lacagahaasi yihiin kuwo si toos ah loo soo marin doono Soomaaliya, looguna talogalay dib u dhiska iyo sidoo kale dib u habeynta hay’adaha dowladda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in markii ugu horreysay tahay dal deyn lagu leeyahay oo Bankiga Adduunka lacag ugu deeqo.




From the comments