Hirshabeelle ayaa xilkii guddoomiyenimo ka xayuubisay guddoomiyihii maamulka degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kaddib digreegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii degmada Warshiikh mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka).
Isla wareegtada ka soo baxday wasiir daakhiliga Hirshabeelle Caadle ayaa lagu xusay in xilkaasi guddoomiyaha degmada Warshiikh loo magacaabay Cumar Maxamed Cumar.





From the comments