Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa codsi ku aadan in xoriyaddiisa uu dib u helo u diray hoggaanka xukuumadda federaalka ee dalkaasi.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadal uu ka jeediyay maxkamad ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Addisababa wuxuu codsaday in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu cafiyo isaga iyo dadka kale ee la xabbisan.
Maxkamadda oo markii seddexaad uu hor yimaado MW hore Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareennada maxkamadda ka codsaday in farriintiisa la gaarsiiyo Raysal wasaare Abiy, si uu cafis ugu fidiyo.




From the comments