Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay goor dhow la wareegeen deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News in Al-shabaab ay la wareegeen deegaannada kala ah Dhagaxow, Yaaqle iyo Kooreebe oo dhammaantood hoostaga degmada Balacd.
Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaannadaasi, kadibna ay halkaasi tageen Al-shabaab.




From the comments