Dagaal u dhaxeeyey Al-shabaab iyo dadka deegaanka Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka dhacay deegaankaasi iyo sidoo kale deegaanno ku dhow.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Aadan yabaal, balse ay iska caabin kala kulmeen dadkii halkaasi deganaa.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Lix qof, Afar ka mid ah waxay ka mid ahaayeen dagaalyahannada Al-shabaab, halka Labada kalena ay ka dhimatey dadka deegaanka.




From the comments