Muqdisho, 27 Oktoobar 2026 – Xafiiska Amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray wararka la xiriira diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, kuwaas oo la sheegay inay 26-kii Oktoobar 2026 duqeymo ka geysteen fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay inaysan jirin weerar si khalad ah loogu bartilmaameedsaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inkasta oo qoraalku uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin dhacdada la xiriirta duqeymaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in xiriirka iskaashiga ee kala dhexeeya Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah, kaas oo salka ku haya dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, xoojinta amniga iyo ilaalinta nabadda.




From the comments