Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in ay dhammaatay waqtigii madaxda Hirshabelle ogaal la’aan ku kala bedali jireen mas’uuliyiinta degmooyinka maamulkaasi.
Wuxuu sheegay Dabageed in uu dhammaaday waqtigii ogaal la’aan loo bedalayey mas’uuliyiinta, islamarkaana isaga iyo madaxda maamulka Hirshabelle isku raaceen in looga dambeeyo shaqooyinka gobolka Hiiraan.
“Hiiraan anigaa xukuma, gacan dhaaf ma jiro, waxaan kaloo idiin sheegayaa in madaxweynaha Hirshabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha isku garanay in aniga mas’uul ka ahay wax walbo oo gobolka ah, cid haddii la bedalo ama mid kale la keeno anigaa sameeyee ogaada” ayuu yiri Dabageed.




From the comments