Goobjoog

Dhageyso: Qaxootigii Kasoo Laabtay Xeryaha Kenya Oo Cabasho Ah

Boqol iyo Labatan qoys oo ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen gobolka Gedo ay soo wajahday xaalado adag oo dhanka nolasha ah. Waxa ay…

Dhageyso: Qaxootigii Kasoo Laabtay Xeryaha Kenya Oo Cabasho Ah
Secretary of State Andrew Mitchell visits the Dadaab refugee camp in northern Kenya, 16 July 2011.

Boqol iyo Labatan qoys oo ka soo  laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa sheegay mudadii ay ku sugnaayeen gobolka Gedo ay soo wajahday xaalado adag oo dhanka nolasha ah.

Waxa ay sheegeen in gargaar aysan helin waqti badan oo ay joogeen degaanka ay ku noolyihiin, iyagoo sheegay in dhowr jeer ay u cawdeen maamulka deegaanka Garilley oo ay ku sugan yihiin.

Maxamed Maxamuud Guddoomiyaha deegaanka Garilley ee gobalka Gedo ayaa dhankiisa sheegay in dhankooda awood aysan u laheyn in qoysaskaas ay caawiyaan balse ay wadaan dedaallo ku aadan sidii loo caawin lahaa.

Waxaa soo badanaya maalmahan dambe cabashada ay qabaan barakacayaasha ku nool gobolka Gedo, kuwaasi oo u badan dadkii kasoo laabtay xerayaha qaxooti ee Kenya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments