Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee France ee Soomaaliya Marwo Aline Kuster-enager.
Mr. Cawad ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, una rajeeyey in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo France.
Safiiradda France Aline Kuster-Menager waxa ay ka mahadcelisay habka uu u soo dhoweeyay iyo yididiillada uu u muujiyay, waxa ayna carabka ku adkeysay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France u dhexeeya oo ay gaarsiiso heer aad u sarreeya.




From the comments