Iskaashatada gaadiidleyda dekadda Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey hab maamulka dekaddaasi.
C/laahi Cali Faarax, afhayeenka iskaashatadan ayaa Goobjoog u sheegay in lacago aad u badan laga qaado gaadiidleyda hadane aanu dekadda ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ah, wuxuuna ka dalbaday dowladda iney soo farogeliso musuqmaasuq uu sheegay in dekadda uu ka jiro.
Waxa uu sheegay in marar badan ay cabashadooda gudbiyeen, balse aanay dowladda waxbo ka qaban.




From the comments