Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filaa inuu maalmaha soo socda ogolaado hindise cusub oo noqon-doona Istaraatiijiyad ay Mareykanku ku Maal-geshtaan qaaradda Afrika.
Qorshahan Maalgeshiga Mareykanka ee Afrika, waxaa dejiyey shakhsiyaad ku jira Congress-ka, qorshaha ayaa ah mid lagula dagaalayo saameynta dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Shiinaha ka wado qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo Saxaafadda la hadlay waxaa uu yiri “Qorshahan waxaa uu badal wanaagsan u yahay maalgeshiga Shiinaha”.




From the comments