Siyaasi Cabdi Barre ahna xildhibaan hore ayaa ku eedeeyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre in qarashaad ku bixinayo sidii ay wasiirada aan xildhibaannada ka midka ahayn u heli lahaayeen kursi Baarlamaan.
Waxa uu sheegay siyaasigan in musuqa aanu ahayn oo kaliya lacag la lunsado ee sidoo kale musuqa qeyb ka yahay kuraasta lacagaha badan lagu bixiyo.
Cabdi Barre ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan lacago badan oo uu sheegay in musuq lagu sameeyey walibana ay dowladda si qaldan u adeegsatay waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments