Warbixin aan weli la shaacin, oo ay soo saareen kooxda indho-indheynta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano “Monitoring Group on Somalia and Eritrea” ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Iran ay ku tunteen cunaqabateyntaasi.
Qoraalka oo la hor dhigay khubaro UN-ka ah waxaa ku jiray in Imaaraadka Carabta ay Iran u isticmaalaan Transit-ka dhuxusha ka timaada Soomaaliya, kadibna ay ka faa’ideystaan.
Warbixintan cusub, ay soo daabacday Reuters waxaa ku jiray in Iran ay dhuxul ka qaadato Al-shabaab iyaga oo ku dhejiya shahaadooyin been ah oo la xiriira dalka ay ka timid si looga gudbiyo dekadaha Imaaraadka. Marka dhuxusha ay gaarto Iran, dalkaasi uu dib u geliyaa baakado cusub, iyaga oo ku qoraayo in dhuxusha laga soo saaray Iran, una iib geeya Imaaraadka Carabta.




From the comments