Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in madaxweyne Waare ay la xisaabtan dhab ah la sameyn doonaan.
Waxa uu sheegay mudanahan in madaxweynaha Hirshabelle uu ka meermeerayo inuu horyimaado xildhibaannada, iyadoo taasina horey u keentay in mooshin laga keeno.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay haddi uu madaxweyne Waare ka madax adeego inuu baarlamaanka u sheego qorshihiisa shaqo iyo wixii u qabsoomay in mar kale uu imaan doono mooshin, islamarkaana aan la aqbali doonin oday dhaqameed dambe oo ka hor istaaga mooshinkaasi.




From the comments