Dadka ku nool deegaanka Xaafuun ee gobolka Bari ayaa ka cabsi qaba Iney ku dhufato duufaanta Luban.
Wararka laga helayo deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in dadka ay galeen feejignaan xooggan, waxaana ay ka fogaadeen meelaha qatarta ay kala kulmi karaan.
Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in Duufaanta Luban ay saacadihii hore ee maanta ku dhufatay cirifka Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan halka ay isaga darsamaan badweynta Hindiya iyo badda cas.




From the comments