Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle.
Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in madaxda maamulka Hirshabelle iyo shacab badan ay haatan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Jowhar si ay halkaasi ugu soo dhoweeyaan Ra’iisul wasaaraha.
Mas’uuliyiin Hirshabelle ah oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Kheyre u tagayo Jowhar fulinta qodobo ka mid ah heshiis la sheegay in Muqdisho ku gaareen dowladda federaalka iyo sidoo kale maamulka Hirshabelle, gaar ahaan madaxweynaha maamulkaasi.




From the comments