Dhowaan waxaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, taasi oo ah midda madaxweynaha ee maamulka K/galbeed.
Iyadoo waqtiga uu dhow yahay ayaa illaa iyo haatan waxaan la dhisin guddigii doorashada ee maamulkaasi, taasi oo walaac ku beertay siyaasiyiin iyo sidoo kale musharraxiin, kana baqayaan in dib u dhac ku yimaado doorashadaasi.
Senetor Xuseen Sheekh oo akhrinayey qoraal ay wadajir usoo saareen xubnaha aqalka sare ee kasoo jeeda K/galbeed ayaa sheegay iney dalbanayaan dedejinta dhismaha guddiga doorashada.




From the comments