Sida ay qoreen warbaahinta Turkiga, masaajid ku yaalla dalkaasi ayaa jiho khaldan ugu tukanayeen jamaacadiisu muddo ku dhow 40-sano, khaladka dhismaha masjidka waxaa dareemay imaam masaajidka ku cusub oo dhowaan la wareegay xilkiisa.
Masaajidkan ayaa ku yaalla Sugoren ee gobolka Yalova ee galbeedka Turkiga, imaamku waxa uu tilmaamay in si khaldan loo dhisay mixraabka masaajidka, arrintaas oo ka dhigan in dadkii ku tukanayay ay muddo dheer kacbada ka leexsanaayeen xagal 33 darajo ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Sabah ee dalka Turkiga ka soo baxda.
Jariidada kale ee Hurriyet Daily News oo soo xiganeysa wakaaladda wararka ee Demiroren News Agency, ayaa sheegtay in imaanka cusub ee masaajidka Isa Kaya, sanadkii hore uun loosoo magacaabay masaajidka inuu imaam ka noqdo, markaa waxaa imaamka u soo baxday iney khaldan tahay halka laga dhisay mixraabka masjidka, arrintaas oo imaamka khasab uga dhigtay inuu raadiyo culumo kale si uu ugala tashado xaaladda masaajidka.




From the comments