Koox hubeysan ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla magaalada Gaalkacyo, waxaana ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliiska Galmudug.
Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in Hal qof uu ku dhintey weerarkan iyadoo sidoo kalena ku dhaawacmay qof kale.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii la sheegay muran soo kala dhexgalay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada halkaasi ku sugnaa.




From the comments