Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka jawaabay qoraalkii shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, Cabdullaahi Sheekh Xassan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in warqaddaasi ahayd mid protocol xumo muujinaysa maadaama qoraalka lagu xusay in gogoshii madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyda ay weli sideedii u taallo.
Afhayeenka ayaa sheegay in qalad ay tahay in wasaaraddu u hadasho madaxweyne Faraamjo, balse madaxweynaha xafiiskiisa laga doonayo in arrintaas uu ka hadlo.




From the comments