Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa badalay riwaayaddii Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ee ku saabsaneyd dilkii Jamal Khashoggi , mas’uulkan waxaa uu sheegayaa in Jamaal u dhintay wada hadal ku saabsan sidii uu Sacuudiga ugu noqon lahaa.
“kooxda wada hadal-ka wey naxeen markii hore, taasi ayaa keentay inay runta qariyaan, dhimashada Jamaal waxaa ay timid markii la ceejiyey si aanu u qeylin”.
Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ayaa October 20-keeda waxaa uu sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu Jamal Khashoggi ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda dhex-dhexdeeda.




From the comments