Waxaa ay dunida maanta indhaha ku heysaa labo arrin oo ka dhaceysa bariga dhexe, gaar ahaan boqortooyada Sacuudiga iyo Turkiga, labada arrin waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u adag.
(1). Davos -ta Saxaraha: Shirkan Maalgeshiga Sacuudiga ee looga yaqaano Davos -ta Saxaraha ama “Davos in the Desert’, waxaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan 120 qof oo hadli-doona iyo 140 hey’adood oo caalami ah, waxaana xoogga lagu saari-doonaa 3 arrin: isballada maalgeshiga, Tekonolojiydda si ay u noqon karto fursad shaqo iyo in kor loo qaado awoodsiinta dadka, haddaba dunida waxa ay indhaha ku heysaa guusha iyo guul-darrada shirka maanta.
Waayo shirkan “Davos -ta Saxaraha:, arrinta Jamal Khashoggi darteed waxaa ka baaqsaday shirkado iyo shakhsiyaad ay ka mid yihiin: Financial Times, Bloomberg, CNN, The New York Times, Economist, CNBC, Dara Khosrowshahi oo Uber ah, Bob Bakish oo ka socday Viacom, Steve Case oo ah AOL iyo madaxweynaha bangiga adduunka Jim Yong Kim.




From the comments