War ka soo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Addis-ababa ay sanadka 2019 hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedkii ugu horreeyey oo uu dalkaasi yeesho, sida xaqiijiyaya xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya waxaa talaabadan iska kaashaday khubaro ka kala socoda Shiinaha iyo Itoobiya.
Madaxa Machadka Teknoolijiyadda Hawada sare ee Itoobiya Dr. Selemon Belay ayaa sheegay in la dhameystiray fasaxii caalamiga ahaa ee looga baahnaa diiwaan gelinta ceymiska marka dayax gacmeedka hawada sare loo diro.
Sanadkii hore, ra’isul wasaare Haile Mariam Dessalegn ayaa shir guddoomiyey shirkii ugu horeeyey arrimaha hawada sare looga hadlayo, shirkan oo ka dhacay Adis Ababa, Dessalegn waxaa uu sheegay in 2 sano gudahood ay diri-doonaan dayax-gacmeed.




From the comments