Waxaa xalay la keenay Muqdisho ilaa 22 qof oo ka mid ah dadkii kusoo dhaawacmay dagaal beeleedkii ka dhacay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool.
Dadkan oo ay qaarkood xaaladdadoodu aad u liidato ayaa waxaa laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, halkaasoo la sheegay inaan waxba loogu qaban Karin, iyadoo haatanna la dhigay isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer).
Diyaaradda ayaa markii hore ka qaadday Muqdisho gargaar Caafimaad oo Dowladda Soomaaliya ugu tala gashay in la gaarsiiyo Dadka ku dhaawacmay dagaalka, ayaa waxaa la socday wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga, Kheyraadka Badda, Cabdulahi Bidhaan Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.





From the comments