Shirka Kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa diblomaasiyad ahaan u dhacay qaab matalaad hoose, waxaa loogu talo-galay wasiirrada arrimaha dibadda ee 15 dal ee uu ururka ka koobanyahay, laakin ma joogin wax wasiir buuxa ah.
Shirkan uu shir guddoominayey wasiiru dowlaha dalka Qatar ahna dalka maal-geliyey shirka, waxaa joogay 11 dal, ay ugu muhiimsanayeen wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Suudaan, Kaaliyaha wasiirka arrimaha ee Kuwait, kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar, waxaa iyana yimid wufuud ka socotay Pakistan, Malaysia iyo Azerbaijan iyo dalal kale ay Djibouti ku jirto oo ay safiirro u joogeen.
Waxaa jirtay 3 dal oo aan iman shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, waa dalalka Gaboon, iiraan iyo Brunei.




From the comments