Wakiilka cusub ee xoghayaha guud Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo dhiggiisa midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira ayaa waxa uu haatan kulan kula leeyihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Haysom iyo Madeira ayaa maanta gaaray magaaladaasi, waxaana kulanka uu la qaadanayo Madoobe looga hadlayaa arrimo ay ugu horreyso khilaafka DFS iyo maamul goboleedyada.
Ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo laga helay kulankan ka soconaya magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.




From the comments