B/weyne: Duulimaadkii Oo Hakad Ku Jira
Sheeko:Dalka

Waxaa hakad galay howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay galeen biyo badan, roobab ka da’ay magaaladaasi.
Saraakiil ku sugan Garoonkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in wax duulimaad ah aanu jirin, iyadoo aan la ogeyn xilliga sida rasmiga ah ay duulimaadyadan dib ugu billaaban doonaan.
Dayactir wanagsan ma uusan helin garoonka magaalada B/weyne , balse maamulka gobalka Hiiraan dhankiisa waxa uu sheegay in guddi ay u sameyn doonaan garoonkan si dhismihiisa looga qeyb qaato sida ugu dhaqsiyaha badan…
Xilli walbo oo uu roob ka da’o garoonka B/weyne waxaa sidan oo kale hakad u gala dhammaan duulimaadyadii magaaladaasi.
Goobjoog News