Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in qaar ka tirsan shaqaalaha safaarada Soomaalida ee dibadda aaney 9 bil mushaar qaadan, arrinkaas oo ka hor imaaneysa hadallada ay suuq-geeyaan ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo xukuumadda oo marar badan ay cod-dheer ku sheegeen in aaney ku baaqan wax mushaar ah intii ay xafiiska joogeen.
Mudane Cawad oo arrinkan ka hadlayey wuxuu yiri “Safaaradaheenna oo ay tahay inay qof kasta u adeegaan, qaarkood waxaa laga yabaa 9 bilood inaysan mushaar qaadan, annagu isaga kiin sheekeyn-meyno”.
Dhinaca kale, Cawad wuxuu aqalka sare ka codsaday inay ka taageeraan Budget-ka ay wasaaradda ku leedahay miisaaniyadda sanadka cusub “Budget-ka Wasaaraddu waa micno darro, hadda Budget cusub baan soo jeedinay, waxaan la qeybsanay guddiga arrimaha dibadda, waxaan rajeynneynaa inaad taageertaan, oo na garab istaagtaan, kabacdina nagula xisaabtantaan”




From the comments