Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay saameyn ay nolosha magaalada Baladweyne ku yeesheen roobab maalmihii dambe ku hooray magaaladaasi.
Sheekh Xuseen Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in qoysas danyar ah oo magaalada iyo hareeraheeda deggan ay yihiin kuwa ugu horreeya ee saameeyeen biyaha ka yimid roobabkani.
Garoonkii diyaaradaha magaalada Baladweyne ayay sidoo kale saameeyeen roobabka xilliga deyrta ee ku da’ay magaaladaasi.




From the comments