Waxgaradka K/galbeed ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka in farogelin ku hayaan doorashada la filayo iney ka dhacdo Baydhabo.
Malaaq Cali C/raxmaan oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog , in madaxda dowladda federaalka wataan musharraxiin gaar ah oo ay doonayaan iney kusoo baxaan xilka madaxweynaha K/galbeed.
Waxa uu si gaar ah u sheegay in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay farogelintan wadaan, isaga oo ku baaqay in K/galbeed dadkeeda loo madax baneeyo doorashadan.




From the comments