Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wax ka qaban doonaan burburka waddooyinka magaalada B/weyne, kadib roobab xooggan oo ka da’ay magaaladaasi.
Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News, iney wadaan dedaal badan oo ku aadan wax ka qabashada waddoyinkan burbursan.
Sidoo kale, waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ay dib u habeyn ku sameyn doonaan meelaha ay biyaha kasoo galaan garoonka diyaaradaha magaalada B/weyne.




From the comments