Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay ka wadahadleen arrimo badan.
Kulanka kadib, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in waxyaabaha laga wadahadlay ay ka mid tahay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.




From the comments