Guddiga doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa maanta shahaadada diiwaan-gelinta siiyey Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, isagoo noqday musharaxii u horeeyay ee la siiyo shahaadada musharaxnimo.
Guddiga doorashada ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ee Musharaxnimo, sidaas darteed uu hada yahay Musharax rasmi ah.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale u fasaxay Mukhtaar Roobow inuu u tartami karo doorashada Madaxweynaha, maadaama uu yahay muwaadin ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana aanay jirin dambi loo heysto oo ay Maxkamad xukuntay.






From the comments