Xildhibaan Maxamed Nuur oo kamid ah guddiga doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in doorashada waqtigeeda ay qabsoomayso.
Waxaa uu tilmaamay in maanta ay u tageen guddoomiyaha gollaha shacabka ee Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye islamarkaana uu ka ogalaaday dalab ay u gudbiyeen oo ah in ay shaqada sii wadaan.
Xildhibaanka ayaa tibaaxay in hadda ay muhiim u yihiin oo kaliya 3 xubin oo lagu soo daro, inkastoo shalay ay iscasileen 15 oo ay ku jiraan guddoomiyihii, ku xigeenkiisa iyo xoghayihii guud.




From the comments