Beeraleyda ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya cudurro iyo cayayaan waxyeello u geystey Beerahooda.
Maxamed C/raxmaan Matow oo ah guddoomiye ku xigeenka Beeraleyda Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog in ay u baahan yihiin in laga caawiyo la dagaalanka cayayaankan iyo sidoo kale in gacan laga siiyo wax-soosaarkooda.
Waxa uu tilmaamay in xilligan ay tahay waqtigii ay wax soo saaran lahaayeen, balse uu dhibaato badan ku hayo cayayaan.




From the comments