Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu berri oo jimco ah booqdo dalka Itoobiya isaga oo halkaas wadahadal ku leh ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk.
Mas’uuliyiinta 3da ah ayaa la sheegay inay ka wada hadli doonaan dardargginta heshiisyadi horay loo galay.
Dhinaca kale warbaahinta Itoobiya ayaa tabisay in Adis Ababa dhisan-doonto ciidamo badda ah oo saldhig ka sameysta badweynta Hindiya iyo badda cas.





From the comments