Maamulka Jubbada hoose ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta degaanka Buulo-gaduud ee gobalkaas.
Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Jubbada hoose, iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degaankaas ayaa kulan la qaatay qeybaha bulsahda si loo ogaado baahiyaha ay qabaan.
Shacabka qaarkood oo hadlay waxay sheegeen iney u baahan yihiin gar-gaar caafimaad, waxbarasho iyo sidoo kale cunto ku filan.




From the comments